". Healers Virtual Mentorship Program 2026: Barnaamijka Hogaaminta iyo Hal-abuurka Dhallinyarada Afrika

Healers Virtual Mentorship Program 2026: Barnaamijka Hogaaminta iyo Hal-abuurka Dhallinyarada Afrika

PLO Lumumba Foundation oo hoos timaadda africa mentorship program, waxay soo bqndhigtay Barnaamij sanqdle ah oo la yiraahdo healer's virtual mentorship program 2026 kaas oo Socon doona 16 toddobaad ,looguna talagalay in lagu kobciye jiilka cusub ee hogaamiyeyaasha iyo hal-abuureyaasha Afrika. 

Healers Virtual Mentorship Program 2026

Xogta Barnaamijka

Waxaa loogu talagalay in lagu tababaro 50 dhilinyaro Afrikaan ah oo da'doodu u dhexeyso 18-25 Sano,si ay u helaan xirfad ,aqoon iyo xiriiro ay ku beddeli karaan bulshooyinkooda .
Barnaamijku wuxu diiradda saarayaa

Qaabka Barnaamijka

  • Xulashadda iyo Tababarka Hor-dhaca ah: December 2025
  • Cohort 1: January-March 2026 
Inta barnaamijku socdo ka qaybgalayaashu waxa heli doonaan hagitaan toos ah oo uu bixiyo Prof. P.L.O. lumumba,oo ah aqoonyahan iyo haldoor africakaan ah oo caan ku ah  dhiirigalinta hogaanka iyo midnimadda qaaradda.

Faa’iidooyinka Barnaamijka 

Ka-qaybgalayaasha Healers Virtual Mentorship Program 2026 waxay heli doonaan fursado ay ku:
  • Helaan hagitaan shaqsiyadeed oo ka imanaya khubaro Afrikaan ah.
  •  Bartaan xirfadaha hoggaaminta, ganacsiga, iyo hal-abuurka dijitaalka ah. 
  •  Xiriir la yeeshaan dhallinyarada kale ee qaaradda. 
  •  Ku biiraan shabakadda PLO Lumumba Foundation Alumni Network, Taasoo fure u ah fursado cusub oo mustaqbalka ah.  

Shuruudaha Ka-qaybgalka

  • Waa inuu yahay Afrikaan (meel kasta oo uu degan yahay). 
  •   Da’diisu u dhaxayso 18–25 sano.
  •   Inuu leeyahay rabitaan uu bulshada ku horumarinayo, hal-abuur, iyo hogaamin adeeg ah.

Sida Loo Dalbado

Haddii aad xiisaynayso, waxaad macluumaad dheeraad ah kala xiriiri kartaa:
  •  Deadline :20 November 2025 
  •  Email: rawudu@plofoundation.org / info@plofoundation.org 
  •  Tel: +233 209057002 

Waxa Ku Saabsan PLO Lumumba Foundation 

PLO lumumba foundation waa urur afrikaan ah oo ka shaqeeya horumarinta hogaamiyayaasha ,ganacsiga waara, iyo horumarinta bulshadda guud ahaan afrika. Iyadoo loo maraayo barnaamijiyo waxbarasho iyo hagitaan ,ururku wuxu dooneyaa inuu kobciyo jiil cusub oo afrikaan ah oo mustaqbalka qaaradda hogaamin doona.