". 𝗙𝘂𝗿𝘀𝗮𝗱 𝗪𝗮𝘅𝗯𝗮𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼📚——Deeqda Waxbarasho Ee Pan-African University 2026

𝗙𝘂𝗿𝘀𝗮𝗱 𝗪𝗮𝘅𝗯𝗮𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼📚——Deeqda Waxbarasho Ee Pan-African University 2026


Deeqda waxbarasho ee Pan-African University (PAU) waa mid ka mid ah deeqaha ugu qiimaha badan ee laga helo guud ahaan Qaaradda Afrika. Waxaa iska kaashaday oo maalgelisa Midowga Afrika (AUC), iyadoo ujeeddadeedu tahay in la kobciyo horumarinta aqoonta, tignoolajiyada, hoggaaminta, caafimaadka, beeraha iyo horumar waara oo Afrika guudkeeda ah.

Pan-African University Scholarship 2026  Fursad Waxbarasho Afrika

PAU waxay sannad kasta albaabada u furtaa kumannaan arday Afrikaan ah, iyagoo helaya kafaala-qaad buuxa oo ay ka mid yihiin:

🟢 Qarashaadka waxbarashada
🟢 Hoy iyo jiif buuxa
🟢 Cunto
🟢 Caymis caafimaad

🎓 Jaamacadaha Bixiya Barnaamijka PAU 2026

Deeqdan waxbarasho waxaa bixiya saddex laamood oo ku kala yaalla:

🎯 Yaa Codsan Kara?

Haddii degree-gaagii koowaad uu xiriir la leeyahay takhasuska aad rabto, waxaad codsan kartaa Master’s.
Haddii degree-gaagii labaad uu xiriir la leeyahay takhasuska aad rabto, waxaad codsan kartaa PhD.

🟡 Fiiro Gaar Ah: Passport waa lagama maarmaan haddii aad haysato uun. Lama waajib yeelin codsiga koowaad.

🟩 Shuruudaha Master’s Degree (PAU 2026)

  1. Da’daadu waa inay ka yaraato 30 sano haddaad wiil tahay, Sidokale waa inay 35 ka yaraato haddaad gabadh tahay.
  2. Hal sawir oo kur ah isla markaana midab leh (2cmx2cm);
  3.  Passport (waa haddii aad haysatid uun)
  4. Waa in aad Degreegaagii koowaad ka haysataa jaamacad la aqoonsan yahay. iyo waliba cadaynta Shahaadada Dugsiga sare, Shahaadada Jaamacadda iyo tafaasiisheeda (Transcript).
  5.  Waa in aad codsataa takhasus xidhiidh laleh degreegaagii koowaad.
  6. . Two recommendations [Waa in ay kusoo qoraan macalliintaadii jaamacadaadii aad ka soo dhamaysay shahadaada kowaad].
  7.  CV
  8.  Shakhsiyaadka tixraac kunoqon karra ugu yaraan sadex qof, kuwaasi oo noqon karra macalinkaagii iyo bahwadaagtaada shaqo[refernce with name, email and WhatsApp numbers].

🟦 Shuruudaha PhD Program (PAU 2026)

  1. Da’daadu waa inay ka yaraato 35sano haddaad wiil tahay, Sidokale waa inay 40’ kayaraato haddaad gabadh tahay.
  2.  Hal sawir oo kur ah isla markaana midab leh (2cmx2cm).
  3.  Passport (waa haddii aad haysatid uun)
  4. Waa in aad Degreegaaga 2aad ka haysataa jaamacad la aqoonsan yahay. iyo waliba cadaynta Shahadoyinka kale sida: Dugsiga sare, Shahaadada Jaamacadda iyo tafaasiisheeda (Transcript).
  5.  Waa in aad codsataa takhasus xidhiidh laleh degreegaagii koowaad.
  6.  Two recommendations [Waa in ay kusoo qoraan macalliintaadii jaamacadii aad ka soo dhamaysay shahadaada 2aad].
  7.  CV
  8.  Nuqul qoraalkaaga daraasada oo ka kooban 3-4bogg.
  9.  Shakhsiyaadka tixraac kunoqon karra ugu yaraan sadex qof, kuwaasi oo noqon karra macalinkaagii iyo bahwadaagtaada shaqo[refernce with name, email and WhatsApp numbers].

Deadline: December 15, 2025

🔗 Apply here:
https://au.int/en/announcements/20251115/pan-african-university-call-scholarships-applications-academic-year-2026-2027


📌 Maxaa Deeqdan Ka Dhigaya Mid Aad U Qiimo Badan?

  • Kafaala-qaad buuxa
  • Waxbarasho tayo sare leh oo ka dhacda jaamacadaha ugu sarreeya Afrika
  • Fursado cilmi-baaris oo heer caalami ah
  • Shabakad weyn oo arday iyo khubaro Afrikaan ah
  • Ka qayb-galka horumarinta Qaaradda Afrika

source


#FursadahaDhalinyarada #opportunities4Youth #Scholarships #Africa #PAU #Master #PhD #Training #Internships #Fellowships #JobsAU_UN#SomaliaScholarship #SomaliaEducation #ScholarshipOpportunities #FullyFundedScholarship #SomaliStudents #StudyAbroadScholarship #ScholarshipAlert #SomaliYouth #AfricaEducation #FutureLeaders