". Maxaa Ku Dhacaya Jidhkaaga Haddii Aad Cunto 1 Beed (Ukun) Maalin Kasta Muddo 30 Maalmood

Maxaa Ku Dhacaya Jidhkaaga Haddii Aad Cunto 1 Beed (Ukun) Maalin Kasta Muddo 30 Maalmood

Beedka waa mid ka mid ah cuntooyinka ugu nafaqo badan adduunka. Dad badan ayaa ka cabsada cunista beedka maalin kasta sababo la xiriira kolestaroolka ku jira, halka kuwo kalena ay rumeysan yihiin in beedku yahay "superfood" awood badan. Haddaba, maxaa dhici kara haddii aad cunto hal beed maalin kasta muddo 30 maalmood ah? 

Eggs 

Nafaqooyinka Ku Jira Beedka 

Beedka oo Keliya waxa uu bixiye isku-darka muhiimka ee jidhku u baahan yahay maalin kasta:

 Maxaa Ku Dhacaya Jidhkaaga 

1- Difaaca jirkaaga ayaa xoogeysanaya

Vitamin D iyo selenium-ka  ku jira beedka waxay taageeraan nidaamka difaac jirka .dad badan  ayaa dareema firfircooni iyo caafimaad guud oo wanaagsan kadib 30 maalmood.

2.Maskaxdaada iyo xasuusta ayaa fiicnaan karta

Choline-ka ku jira beedka wuxuu muhiim u yahay horumarinta  unugyada maskaxda .cunista beed joogto ah waxay kordhisaa feejignaanta iyo xasuusta.

3.Murqahaaga iyo tamartaada ayaa kordhaya

Beedku waa isha ugu weyn ee borotiinka fudude ee si deg deg ah loo dheefshiido .Haddi aad cunto beed subaxdi ,waxay kaa caawinaysaa inaad dareento dhereg iyo tamar maalinta oo dhan .

4.Maqaarka iyo timahaaga ayaa qurxoonaan kara

Vitamin A, B iyo Zinc-ka ku jira beedka waxay gacan ka geystaan caafimaadka maqaarka iyo timaha, taasoo kaa dhigaysa mid dhalaalaya.

5.Kolestaroolka – 

Waxaa jira kolestarool ku jira beedka ,laakin daraasaddo cusub ayaa muujinaya in beedka uu san kordhinayn kolestaroolka xun(LDL) dadka badankooda. Dhab ahaantii,wuxuu kordhiyaa kolestaroolka wanaagsan (HDL)

Dhibaatada Suurtagalka Ah 

Haddii aad leedahay dhibaatooyin wadne ama kolestarool sare, waxaa fiican inaad kala tashato dhakhtar ka hor intaadan cunin beed maalin kasta. Qofka caadiga ah, hal beed maalin kasta ma keeno wax dhibaato ah. 

Sida Ugu Fiican Ee Loo Cuno Beedka 

  • Ku karso biyo kulul halkii aad ku shiililahayd dufan badan 
  • Ha ku darin cusbo xad dhaaf ah

Gunaanad 

Cunista hal beed maalin kasta muddo 30 maalmood waxay keeni kartaa isbeddello togan oo jirkaaga ka muuqda: caafimaad wanaagsan, tamar, xasuus fiican, iyo maqaarka oo quruxda. Waa cunto yar, jaban, balse aad u qiimo badan.

Reference 

Harvard T.H. Chan School of Public HealthEggs and Health
National Institutes of Health (NIH) – Choline: Fact Sheet for Health Professionals
American Heart Association (AHA) – Cholesterol and Heart Health
USDA Food Data CentralEgg, whole, raw, fresh
British Nutrition FoundationEggs and Nutrition