". Sida Loo Xaraysto Deeqda waxbarasho ee Swedish Institute?(2026)

Sida Loo Xaraysto Deeqda waxbarasho ee Swedish Institute?(2026)

 Deeqdda waxbarasho ee Swedish institute scholarship waa fursad si buuxdda loo malgaliyay oo loogu talagalya ardaydda caalamka ee doonay in ay dhitan heerka labban ee jamacadda (master's degree) ee dalka swedan .Deeqddani waxa ay daboolaysaa kharashaaddkaa ga oo dhan sida waxbarashadda ,caymiska caafimaadka ,nolosha iyo karashka safarka.Taaso ka dhigaysa deeqdda waxbarasho ee ugu qiimah badan ee loogu talagalay ardaydda caalamka .

Marka laga soo tago deeqdda waxbarasho sidoo kale waxa ay bixisaa aqoon iswaydaarsi ,iyo madalo lagu xoojiyo hagaaminta iyo hal abuurka si ay ardayddu ugu biiran kaal maha kala duwan ee bulshadda .

Swedish institute scholarship

Faahfaahinta Deeqda Waxbarasho ee Swedish Institute Scholarship 

  • Dalka Martigalinaaya -Sweden
  • Jaamacadda Martigalinaaya- Sweden universities 
  • Heerka waxbarasho-master's degree 
  • Muddada waxbarasho-1-2 Sanno

Faa’iidooyinka Deeqda Waxbarasho

Shuruudaha U-qalmitaanka (Eligibility Criteria)

  • Ardaygu waa inuu ka yimaadaa dal u qalma oo ku yaal Afrika, Aasiya, Bariga Yurub, ama Latin America.
  • Waa inuu leeyahay waayo-aragnimo shaqo oo la xiriirta xirfadiisa ama horumarinta bulshada.
  • Waa inuu muujiyay hogaamin iyo ka qaybgal arrimaha bulshada, waara, ama ganacsiga hal-abuurka leh.
  • Waa inuu codsadaa barnaamij master’s oo ka mid ah kuwa u qalma deeqda ee jaamacadaha Sweden.
  • Waa inuu leeyahay xirfad luqadeed oo Ingiriisi ah (English proficiency).

Tallaabooyinka Codsiga: 

  1. Kartida hogaamineed (Leadership Potential)
  2. Heerka aqooneed ee sare (Academic Excellence)
  3. Heellanaanta horumarka waara( Commitment to Sustainable Development) 
  • Ogeysiinta natiijadda-Ardayga la doorto waxaa lagu wargelin doona email

Dukumeentiyada Loo Baahan Yahay 

Marka aad codsanayso deeqdda SI scholarship waa in aad soogudbisaa dukumeentiyadan soo socoda

Su’aalaha Inta Badan La Is Weydiiyo (FAQs) 

1.Waa maxay Deeqda Waxbarasho ee Swedish Institute Scholarship? 

Deeqdan waa fursad si buuxda loo maalgeliyo oo loogu talagalay ardayda caalamiga ah ee doonaya inay dhigtaan heerka Master’s ee dalka Sweden. Waxay daboolaysaa kharashka waxbarashada, kharashaadka nolosha, iyo kharashka safarka.


 2.Sidee loo doortaa ardayda u qalma (Habka xulashada)? 
 Ardayda waxaa lagu qiimeeyaa iyadoo la eegayo: 
 • Kartida hoggaamineed (Leadership potential)
 • Waayo-aragnimada shaqo (Work experience
 • Heerka aqoonta (Academic merit
 • Dhiirrigelinta iyo go’aan qaadashada ku aaddan horumar waara (Motivation for sustainable development) 

3. Waa maxay barnaamijyada lagu daboolayo deeqdan? 
 Deeqda waxaa lagu heli karaa barnaamijyo badan oo Master’s ah sida: 
 • Ganacsiga iyo maamulka (Business & Management) 
 • Daraasadaha deegaanka (Environmental Studies) iyo kuwo kale oo badan oo laga bixiyo jaamacadaha Sweden.

4. Ma loo baahan yahay aqoon afka Swedish ah?
 Maya. Barnaamijyadu waa kuwo lagu dhigto af Ingiriis, sidaas darteed waxaa loo baahan yahay xirfad luqadda Ingiriisiga, balse Swedish looma baahna. 

5. Yaa codsan kara deeqda Swedish Institute Scholarship? 
 Waxaa codsan kara ardayda ka soo jeeda dalalka u qalma ee ku yaalla Afrika, Aasiya, Bariga Yurub, iyo Latin America, kuwaas oo leh:
 • Waayo-aragnimo hogaamineed 
 • Heer aqooneed oo sare 
 • Rajo iyo himilo ay ku taageerayaan horumar waara