Ma doonaysaa inaad lacag la'aan wax kaga barato dalka Brunei Darussalam? Dowladda Brunei ayaa ku dhawaaqday deeqda waxbarasho ee Government of Brunei Darussalam Scholarship (BDGS) ee sannad dugsiyeedka 2026/2027. Deeqdan oo ay bixiso Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxay fursad siinaysaa ardayda caalamiga ah inay bartaan heerarka Diploma, Bachelor (Undergraduate), iyo master’s degree.
Dulmarka Deeqda Waxbarasho
- Dalka: Brunei Darussalam
- Heerka: Diploma, Bachelor, iyo Master
- Maaliyad: Gebi ahaanba waa bilaash (Fully Funded)
- Xilliga kama dambaysta ah (Deadline): 15-ka Febraayo 2026
Faa'iidooyinka Deeqda (Waxa lagu siinayo)
Qofka ku guulaysta deeqdan wuxuu helayaa adeegyadan soo socda:
- Lacag la'aan: Waxaa laga dhaafayaa dhammaan lacagaha jaamacadda (Tuition fees).
- Tigidhka Diyaaradda: Tikidhka tegi iyo soo noqodka ee heerka "Economy".
- Gunnada Bilaha ah: Ardayga waxaa la siinayaa BND$500.00 bishii oo gunno ah.
- Cuntada: Waxaa dheeraad ah gunno cunto oo gaadhaysa BND$150.00 bishii.
- Kutubta: Lacag loogu talagalay buugaagta oo ah BND$600.00 sannadkii.
- Jiifka: Waxaa la siinayaa degmo jaamacadeed (Hostel).
- Caymiska: Caymis caafimaad oo dhamaystiran inta uu waxbarashada ku jiro.
Shuruudaha Laga Rabo Codsadaha
Si aad u xaqiijiso inaad u qalanto deeqdan, waa inaad buuxisaa shuruudahan:
1.Da'da:
Diploma iyo Bachelor: Waa inaadan ka weynaan 25 jir marka la gaadho 1-da Luulyo 2026.Master’s Degree: Waa inaadan ka weynaan 35 jir marka la gaadho 1-da Luulyo 2026.
2.Luqadda Ingiriisiga: Waa inaad leedahay aqoon Ingiriisi oo heerkeedu yahay:
- IELTS oo leh dhibco dhan 6.0.
- TOEFL oo ugu yaraan ah 550.
- Ama dhibco u dhigma (Grade C) ee IGCSE ama GCE 'O' Level.
3.Dhalashada:
Waxaa loogu talagalay ardayda caalamiga ah (Dadka haysta deganaanshaha rasmiga ah ee Brunei uma tartami karaan).
Jaamacadaha Ka Qayb-gelaya
Ardayda waxaa loo oggol yahay inay ka codsadaan mid ka mid ah shanta machad ee hoos ku qoran:
- Universiti Brunei Darussalam (UBD)
- Universiti Islam Sultan Sharif Ali (UNISSA)
- Universiti Teknologi Brunei (UTB)
- Kolej Universiti Perguruan Ugama Seri Begawan (KUPU SB)
- Politeknik Brunei (PB)
Dukumentiyada loo baahan yahay (Documents)
Waa inaad haysataa nuqullo la xaqiijiyey (Certified true copies) oo dukumentiyadan ah:
- Baasaboor ama Shahaadada Dhalashada.
- Shahaadooyinka waxbarasho iyo natiijooyinka (Transcripts).
- Haddii dukumentiyadaadu aysan Ingiriisi ahayn, waa in lagu turjumaa Ingiriisi oo la xaqiijiyaa.
- Warqadda cadeynta aqoonta Ingiriisiga (English Proficiency).
- Laba warqadood oo talo bixin ah (References/Recommendations).
- Qorshe cilmi-baaris (Research Proposal) - kaliya kuwa codsanaya Master-ka cilmi-baarista ah.
Sida loo Codsado (Application Procedure)
Codsiga waxaa lagu gudbinayaa qaabka online-ka ah. Hubi inaad akhrido dhammaan macluumaadka koorsooyinka ka hor intaadan dooran jaamacadda, sababtoo ah lama oggola in la beddelo koorsada ama jaamacadda ka dib markii lagu doorto.
- Goobta laga codsado: Booqo website-ka rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Brunei.
- Wareysiga: Qaar ka mid ah ardayda waxaa laga yaabaa in laga qaado wareysi ama imtixaan qoraal ah.
Taariikhaha Muhiimka ah:
- Xilliga Codsiga Uu Xidhmayo: 15-ka February 2026.
- wakhtiga Go'aanka : 1-da June 2026 (Waa la qiyaasay).
- Bilaabashada waxbarashada: July/august 2026.
FIIRO GAAR AH: Ardayda waxaa looga baahan yahay inay ixtiraamaan dhaqanka, diinta, iyo qawaaniinta dalka Brunei, lagamana oggola inay ku lug yeeshaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed inta ay halkaas joogaan.
